Cali Maxamed Cali Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka oo maanta warbahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliska uu soo saaray amaro cusub oo ku aadan isticaalka wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Taliyaha gaadiidka yar yar inaan la dhigi karin wadada Maka Al-Mukarama, islamarkaana cidii gaari halkaasi dhigata ciidamada Ilaalada wadooyinka inay tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Mootooyinka loo yaqaan Bajaajta iyo Gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ayuu tilmaamay Taliye Cali Maxamed Cali Taliyaha ciidamada Ilaalada wadooyinka in aysan adeegsan karin wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo hadii halkaasi lagu arko tallaabo sharciga waafaqsan ayagana laga qaadi doono.
Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan muqdisho waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Shilal geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

