Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in isbitaalka Magaaladaas la dhigay badmaaxiyiin u dhalatay Jasiiradda Comoros, kadib markii laga helay xeebta Magaaladaas.
Nimankaan ayaa la sheegay in ay gaarayaan tiro ahaan 5- waxaana la sheegay in ay kasoo jeedaan Jasiiradda Comoros, Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Juba-land ayaa sheegay in ay ku hadlayeen Luuqadda Faransiiska.
Xaaladooda Caafimaad ayaa hatan lagula Taacalayaa Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose sida ay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Juba-land warbaahinta u sheegeen.




