Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaas Cabdi waal oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxda soomalida iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay afduubteen Hanaanka Doorashada sanadkaan 2016-ka
Isagoo wareysi siiyay Idaacada Simba siyaasiga Cabdi waal ayuu sheegay in madaxda soomalida iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka midaysan yihiin afduubka loo geystay hanaankii loo mari lahaa Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
“Madaxda soomalida iyo kuwa Maamul Goboleedyada waxa ay afduubteen Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka odoyaasha lasoo xulay waa kuwa laaluush lagu soo xulay oo loo balan qaaday lacago in la siin doono ayuu yiri Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaas Cabdi waal.
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi dhinacyo badan taabanaya uu siiyay warbaaahinta Simba

