Ciidamada Qaramada Midoobe ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u dabaaldagay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay Joogitaankooda Gudaha Soomaliya.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta UNSOM ku leedahay Xarunta Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, Ku Xigeenka gaarka ah ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Lydia Wanyoto iyo Ku Simaha Taliyaha Ciidamada Amisom, Major General Nakibus Lakara.
Ugu horeyntii Munaasabada waxaa ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, wuxuuna ku amaanay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada midoobe ka socda Howlaha ay ka hayaan Gudaha Soomaliyeed.
Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, ayaa tilmaamay in safar gaaban uu ku tagi doono dalka Uganda islamarkaana Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni u sheegi doono Howlaha ay ciidamada Uganda ee qaramada Midoobe ka socda ay ka hayaan Gudaha Soomaliya in ay tahay mid tayo wanaagsan.
Amb. Michael Keating ugu dambeyntii bilad sharafyo gudoonsiiyay Ciidamadaan u dabaaldagay sanad guuradii kOowaad ee kasoo wareegtay Joogitaankooda Gudaha Soomaliya.
Ciidamadan oo ka socda dalka Uganda ee qaarada Africa ayay hawshoodu tahay ilaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobe ee rayidka ah iyo xerooyinkooda ku yaala Somaliya.












