Madaxda Kenya oo Loogu Baaqay in Ciidamada Kenya ay Kasoo Saaraan Gudaha Soomaliya

0

Hogaamiyaha mucaaradka ANC   ee dalka Kenya Musalia Mudavadi  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi  ayaa ugu baaqay dawlada Kenya in Ciidamadeeda  ay kala soo baxdo Gudaha Somaliya,

Waxa uu yiri “maadama la xirayo xerada Dhdhaab Qaxootigana dib loogu celinayo dalkooda taasi waxa ay ka dhigantahay in Somaliya ay xasiloontahay marka waa in dib looga soo saaro Ciidamada Kenyanka ah ee ku sugan Somaliya.

Mudane Musalia Mudavadi oo ah hogaamiyaha ANC ayaa sheegay in dawlada Uganda ay ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda ay kala baxayso dalka Somaliya dawlada Kenyana ay tahay in ay sidaas oo kale samayso oo ay lasoo baxdo Ciidamada ka jooga halkaas.

Hogaamiyahaan ayaa tilmaamay in aysan awoodin in ay xaliyaan dhamaanba dhibaatooyinka ka jira Somaliya,xaqiiqaduna waxay tahay ayuu yiri in aanan ka helin beesha caalamka dhaqaalihii ay noo balan qaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here