Holwgalo Baaritaano ah oo Laga Sameeyay Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Ciidamada amaanka  Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa xalay ilaa saakay howlgal ka sameeyay Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo xalay Lagu dilay mid kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Maamulka Puntland,

Ciidamada ayaa si gaar ah baaritaanka ugu sameeyay Xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay Saciid Xeyle oo ahaa mid kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Maamulka Puntland oo xalay kooxo hubeysan ay dileen.

Taliyaha  Ciidanka Birmadka Magaalada Gaalkacyo  ee Maamulka puntland  C/rashiid gabi-gabi oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in holwgalka lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilkii saciid Xayle oo kamid ahaa xildhibaanada Deegaanka Maamulka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug  dhanka Woqooyi waxaa bishaan Ramadaan Gudaheeda lagu dilay shaqsiyaad Puntland ka Tirsan waxaana kamid ahaa Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug Maama Dhudi Yuusud, Ganacsade Salaad Dheere iyo shaqsiyaad kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here