Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Dhanka Bii’ad oo ku Dhintay Weerarkii Hoteelka Naasa-hablood

0

Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada Burci Maxamed Xamze, ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.

C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa bartiisa Twitterka, wuxuu ku xaqiijiyay  in weerarkaasi uu ku dhintay Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Burci Maxamed Xamze.

Ala ha u naxariisteen Burci Maxamed Xamze ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka xilligii weerarka uu dhacaayay,  Burci, wuxuu horay u soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, hadana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha dhanka Bii’ada ee xafiiska Raisul Wasaraha, isaga oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

14669221430e088

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here