Maxkamada G/ Nugaal oo Maanta la Horgeeyay Ajaanib Si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay Xeebaha Puntland

0

Maxkamada darajada Koowaad ee Gobolka  Nugaal ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa la Horgeeyay Labo nin oo u dhalatay dalka Indoonisiya oo dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka Maamulka Puntland iyagoo kaluumaysi sharci daro ah ka waday xeebaha Maamulka Puntland

Labadaan nin oo lagu kala magacaabo Captian, Mohli batiwawa oo 46 jir iyo Eng, Casiis hermans 56 jir ah, ayaa la socday markab ganacsi oo ka diiwaangashanaa dalka Yemen, kaasoo kusoo caariyay xeebta deegaanka Gaalo-Ood oo katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal

Ciidamada ilaalada Xeebaha maamulka Puntland ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay Gacanta kusoo dhigay 13-shaqaalo oo la socday Markabka  kusoo caariyay xeebaha deeganada Maamulka Puntland marki dambe waxaa xabsiga laga sii daayay shaqaalihii kale

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha  Maaamulka  Puntland Maxamed Xasan Xareed oo saxaafada lahadlay ayaa   sheegay raggaan inay wateen shatiyo been abuur ah, wuxuuna sheegay in lagu qabtay kalluun tankiisu ahaa 2500.

Halkaan ka dhageyso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here