Howlgal ay ka sameeyeen ciidamada dowlda Soomaliya Qabuuraha Generaal Da’uud Degmada Wartanabadda ee Magaalada Mudisho, waxaa ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gaari kaarib ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in wali ay baaritaan wadaan ciidamada, sidoo kalana la ogaanayo in ay jiraan walxo kale oo qarxa oo lagu diyaarinayay goobta laga qabtay gaariga.
Mudane Cabdifataax Cumar Xalane waxa uu tilmaamay in waxyaabaha lasoo qabtay ay kala ahaayeen Qoriga RPG-ga, Boolal aad u fara kuwaasi oo la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa islamarkaana lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaliyeed.
Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida I’yo’ sirdoonka qaranka Soomaliya waxa ay howlgal ka sameeyeen guri ku yaala degmada Yaaqshid iyagoo kasoo saaray hub aad u fara badan.






