Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Degmada Wartanabadda+Sawirro

0

Howlgal ay ka  sameeyeen ciidamada dowlda Soomaliya Qabuuraha Generaal Da’uud Degmada Wartanabadda ee Magaalada Mudisho,  waxaa ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan  gaari kaarib ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta  u sheegay in wali ay baaritaan wadaan ciidamada, sidoo kalana la ogaanayo in ay jiraan walxo kale oo qarxa oo lagu diyaarinayay goobta laga qabtay gaariga.

Mudane Cabdifataax Cumar Xalane waxa uu tilmaamay in waxyaabaha lasoo qabtay ay kala ahaayeen Qoriga RPG-ga, Boolal  aad u fara kuwaasi oo la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa islamarkaana lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaliyeed.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida I’yo’ sirdoonka qaranka Soomaliya waxa ay howlgal ka sameeyeen guri ku yaala degmada Yaaqshid iyagoo kasoo saaray hub aad u fara badan.

12 13510465_600973723401535_533859604_n 13510492_601000786732162_1043970513_n 13510516_600985020067072_2026010149_n 13515350_601000750065499_1690822571_n

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here