Cali Seeko“Maamulka Gobolka Banaadir Wuu ku Fashilmay Xaqiijinta Amaanka Muqdisho”.+Dhageyso

0

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Seeko)  oo horey usoo noqday Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir oo ku fashilmay xaqiijinta amaanka Gobolka banaadir.

Waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Magaaladii Muqdisho oo ah xaruntii  dowlada soomaliya in xili habeen ah ay Al-shaabaab  hoobiyaal kusoo tuuraan islamarkaana ay geysato  qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

“Maamulka Gobolka Banaadir wuu ku fashilmay xaqiijinta Amaanka Ggobolka Banaadir tan iyo markii gacanta loo galiyay ayuu yiri Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Seeko)   oo la hadlay idaacada simba.

Siyaasiga Cali seeko waxa uu sheegay in dhamaan madaxda dowlada soomaliya ay xiligaan ku mashquulsan yihiin arrimaha Doorashooyinka islamarkaana ay qaarkood  doonayaan in xilka mar kale uu qabto Madaxweynaha haatan xilka haya ee Xasan sheikh Maxamuud.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay idaacada simba

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here