Nabadoon Axmed:-Dowlada Kenya Hubka Dunida laga Mamnuucay ayey  Dumar iyo Caruur ku Garaacday

0

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo ayaa Ku Eedeeyey Dowladda Kenya in ay wali sii Waddo Duqeymaha ay la Beesanayso Shacabka Deegaanada Gobalka Gedo kuwaasi Qasaaro kala duwan ay ka soo gaartay dad Rayad ah oo si ulakac ah loo bartilmaameed saday.

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Guurtida Beesha Mareexaan Nabadoon Axmed Ciise Cali ee Gobalka Gedo oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Xad-gudubka Dowlada Kenya ay ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan islmarkaan Dhibaatada ay ugeysanayaan Ciidamada Wadanka Kenya ee Dariska ah Soomaaliya gaar ahaan kuwa daga Deegaanada Gobalka Gobalka Gedo.

Nabadoon Axmed ayaa sheegay in Duqeymihii ugu Danbeeyey Diyaarada Dagaalka Dalka Kenya ay ka Fuliyeen Gobalka Gedo  ku Dhinteen dad Rayad ah oo u badnaa Dumar iyo Caruur islamarkaan si bareer ah ay u Weerareen Ciidanka Cirka Dowlada Kenya waxa uuna intaasi hadkiisa sii raaciyey Duqeymihii u danbeey ee Ciidanka Kenya ay ka Geysteen ay ku laayeen Xoolo isku jiray Geell iyo Ari.

“Kenya Hubka Dunida laga mamnuucay ayey ku garaacday Dumar iyo Caruur waa danbi Dagaal oo lagalay Shacabka Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo” ayuu yiri Axmed Ciise

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa Duqaymo waxa ay ka fuliyeen Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo kuwaasi ay Sheegtay inay beesadeen Goobo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxaan isi Soo taraya Eedeyaha loo Jeedinayo Ciidamada Dalka Kenya ee Howlgala Xaduuda Labada Dale e Soomaaliya iyo Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here