Maxkamadda Ciidamadaka Qalabka Sida oo Dil ku Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihii Nabadda Sugidda Shabeelaha dhexe

0

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo  khamiis ah u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heystay askari ka Tirsanaa ciidamada nabad sugida oo dhawaan dilay Taliyihii nabadda sugidda Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum C/weli Ibraahim Maxamed.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) dil toogasho ah, kadib markii maxkamada horteeda uu ka qirtay dilka uu u geystay Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale Ibraahim Cadaawe,  si Ku meel gar ah  loogu magacaabay taliyaha nabadd sugida ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii askarigaan maanta dilka lagu xukumay oo dilay Taliyihii nabadda sugidda Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum C/weli Ibraahim Maxamed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here