Dagaal Culus oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland iyo Ciidamo uu Hogaaminayo Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari C/samad Gallan ayaa Maanta ka dhacay Deegaanka Barooqle oo Qiyaastii 18-km dhanka Galbeed kaga Beegan Deegaanka Carmo oo Magaalada Boosaaso 30-km oo kaliyaha u jira, halkaasi oo Xarun u ah Ciidamada la magac baxay badbaadinta iyo Samata Bixinta Puntland ee uu Hogaamiyo C/samad Gallan.
Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Maanta Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo Xalay ka Soo baxay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Gallan ee Gobolka Bari kuwaasi Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas uu ku maray inay Nolosha ku soo qabtaan C/samada Gallan isla markaana ay Soo afjaraan Dhaq-dhaqaaqa Ciidamadiisu ay ka wadaan Deegaanada Gobalka Bari.
Gallan oo Wareysi dhinacyo badan Taabanaya Siiyey Radio Simba ayaa yiri “Waxaan Xasuuqnay maanta Maleeshiyaad kuu uu soo diray C/wali Maxamed Cali Gaas gaadiidkii ay ku soo dagaal galena maanta intii badnayd waan ka qabsanay taasi waa guul ay gaareen Ciidanka Badbaadinta Puntland ee loo sameyey in Puntland ay ka Xoreeyaan Maamulka Garoowe ee ku Dhisan Cadaalad Darada Jinsi Sooca islamarkaan uu Hogaamiyo Gaas” ayuu yiri Mudane Gallan.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in gaadiid dagaal ay ka gubeen Ciidanka Puntland haddana xaalku dagganyahay ayna iska caabiyeen Ciidankii weeraray,Sidoo Kale waxaa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay go’aankii wasaaradda warfaafinta Puntland ay Warbaahinta Puntland uga mamnuucday macluumaadka la xariira Wararkiisa iyo Waxyabo kale.
Halkaan ka dhageyso Wareeysiga Idaacadda Simba ay la yeelatay Xilli uu socday Dagaalka maanta dhacay.
Ma jirto ilaa iyo hada war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland xariiro aanu la sameynay Madaxda Sare Xukumda Garoowe waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Dagaalka Ciidamada Puntland ay lagaleen C/samad Gallan.

