Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in is qabqabsi dhex maray xisbiga talada haya ee ANC oo ku aadan qofka u matali doona duqa magaalada Pretoria Doorashooyinka dowladaha Hoose ay sababtay in la boobo hantida ganacsato ajaanib ah oo Magaaladaaas ku ganacsanaysay.
Mid kamid ah Soomalida ku nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika oo lasoo xiriiray idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hanti badan ay lahaayeen dad soomali ah in la boobay kadib markii ay isku dhaceen xabsiga talada haya ee ANC kuwaasi oo isku qabsaday cida u matali doonta duqa magaalada Pretoria Doorashooyinka Dowlada Hoose.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka lagu dhibaateeyo Soomalida












