Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Gaalkacyo ku dileen iskuduwihii wasaaradda qorshaynta iyo xiririirka caalamiga ah Puntland u qaabilsanaa Gobolka Mudug Allaha unaxariistee Cabdullaahi Maxamed Faarax.
Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay ku dileen mas’uulka Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaana u suurta gashay dilka kadib in ay goobta ka baxsadaan.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wali lagu raadjoogo ragii ka dambeeyay dilka iskuduwihii wasaaradda qorshaynta iyo xiririirka caalamiga ah Puntland u qaabilsanaa Gobolka Mudug.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa habeenadii dambe ka dhacayay dilal loo geysanayay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland waxaana ugu dambeeyay dilkii horaantii bishaan loogu geystay Magaalada Gudoomiyihii ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland Dudhi xaaji aadan.

