Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Gaalkacyo ku dileen  iskuduwihii wasaaradda qorshaynta iyo xiririirka caalamiga ah Puntland u qaabilsanaa Gobolka Mudug Allaha unaxariistee  Cabdullaahi Maxamed Faarax.

Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay ku dileen mas’uulka Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaana u suurta gashay dilka kadib in ay goobta ka baxsadaan.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wali lagu raadjoogo ragii ka dambeeyay dilka  iskuduwihii wasaaradda qorshaynta iyo xiririirka caalamiga ah  Puntland u qaabilsanaa Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa habeenadii dambe ka dhacayay dilal loo geysanayay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland waxaana ugu dambeeyay dilkii horaantii bishaan loogu geystay Magaalada Gudoomiyihii ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland  Dudhi xaaji aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here