Wasaarada Amniga oo ka Hadashay Dilka Taliyihii  Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Waaasarada amniga ee Xukuumada Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay dil xalay degmada Jowhar loogu geystay Taliyihii Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macali Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Taliyihii Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha dhexe C/wali Maxamed nuur in  lagu dilay Magaalada Jowhar islamarkaana uu dilkiisa ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladiisa.

Cabdi Kaamil Macali Xirsi Afhayeenka wasaarada amniga ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka  ay wali ku raadjoogaa askarigii ka dambeeyay dilka Taliyihii Ha’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono dhawaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha uu dilay mid kamid ah ilaaladiisa oo horey ugu tirsanaa al-shabaab balse  dhawaan isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here