Waaasarada amniga ee Xukuumada Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay dil xalay degmada Jowhar loogu geystay Taliyihii Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macali Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Taliyihii Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha dhexe C/wali Maxamed nuur in lagu dilay Magaalada Jowhar islamarkaana uu dilkiisa ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladiisa.
Cabdi Kaamil Macali Xirsi Afhayeenka wasaarada amniga ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka ay wali ku raadjoogaa askarigii ka dambeeyay dilka Taliyihii Ha’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono dhawaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha uu dilay mid kamid ah ilaaladiisa oo horey ugu tirsanaa al-shabaab balse dhawaan isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaliya.

