Shirka Madasha Wadatashiga iyo Doorashooyinka Qaranka oo Maanta ka Furmaya Magaalada Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya Shirka Madasha Wadatashiga iyo Doorashooyinka qaranka.

Madaxda dowlada Soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke, iyo madaxda Maamul Goboleedyada Juba-land, Galmudug, Puntland, iyo madax ka socota beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa Todobaadkaan gudihiisa gaaray Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari oo kulamo la qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed odoyaasha iyo Siyaasiyiinta.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka dibadiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Shirka waxaaa diirada lagu saari doonaa sida loo wajahaayo Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka waxaana horey u jirey shirar noocaan oo kala ah oo loogu qabtay Magaalooyinka kismaayo iyo Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here