Joseph Nkaissery:- Soomalida ku Nool Magaalooyinka Dalka Kenya Waa inay Tagaan Xera Dhadhaab

0

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery oo ka hadlay munasaabad lagu qabtay Magaalada Nairobi oo lagu xusayay Malinta Caalamiga Qaxootiga aduunka 20-june ayaa  ku wargaliyay Qaxootiga Somalida ee dalka Kenya ku nool, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi inay tagaan Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Mudane Joseph Nkaissery ayaa arintaan ku micneeyay in ay tahay in dowlada Kenya ay doonayso in Bisha November ay gabi-ahaanba ay xirto xerada Dhadhaab islamaarkana ay fududaato arinta celinta Qaxootiga Soomaliyeed.

Dowlada Kenya ayaa ku adkeysanaysa in Bisha November ee sanadkaan 2016-ka  ay albaabaha  u laabayso Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo Somaliyeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay Dhadhaab inaysan mar dambe ganbaad u noqon  doonin xerada  Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here