Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif xasan Shiikh aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kadibna waxa uu u gudbay Xarunta Madaxtooyada Dowlada Goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya.
Waxa uu kormeer ku tagay halka loo diyaariyay Martigelinta Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo la filaayo in beri uu ka furmo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif xasan Shiikh aadan ayaa amaan usoo jeediyay Guddiga qaban qaabada Shirka Madashada Wadatashiga doorashooyinka oo maalinta bari ah ka furmi doono Magaalada Baydhabo.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amaanka ka qeyb qaadanaya Ciidamo ka Tirsan Kuwa Nabada sugida iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.










