Qarax Qasaaro Geystay oo ka Dhacay Magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya

0

Hal qof ayaa ku geeriyooday dhawr kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii qarax la beegsaday gaari Ambalas ah oo marayay meel u dhow Magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Qaraxa miino ayaa  horay loo sii geliyay wadada uu ku istaagay Gaari Ambalaas-ka  ah oo marayay meel u dhow magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Barri dalka Kenya sida uu war baahinta u sheegay Mohamud Saleh oo ah xiriiriyaha gobolkaas.

Maxamud Salax ayaa sheegay in Ambalastaan ay ku sii jeeday Magaalada Hulugho, waxaana uu sidoo kale sheegay in ninka dhintay uu ahaa wadihii Ambalasta halka seddex qof oo kale oo saarneedna ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib markii Miino dhulka la geliyay uu ku istaagay gaari Ambalasta ah kaas oo looga shakisanayah in ay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa wax ka yar 12 saacadood kadib markii shalay shan askari oo ka tirsan Booliska Kenya lagu dilay Magaalada Mandeera weerarkaas oo lagu tuhunsanyahy in ay fuliyeen Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here