Korneel Barre Adaan Shire (Barre Hiiraale) oo ahaa Gudoomiyihii Ururkii La magac Baxay Nabadaynta iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed ee Gobalada Jubbooyinka islamarkaana ah Siyaasi si weyn uga soo Horjeeda Maamulka Jubaland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u duuley Dalka Kenya si uu Dowlada Kenya ay uga wadahadlaan Arimaha Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ee uu ka Arimiyo Maamulka Jubbaland.
Warar Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka heyshay Safarka Siyaasiga Korneel Barre Hiiraale ee Magaalada Nairobi ayaa Sheegaya in uu Casuumaad uu ka helay Dowlada Kenya iyo Safaarada Mareykanka Dalka Kenya islamarkaana ay ka wada hadli doonaan Arimo Badan oo ay ka mid yihiin Weerarkii Askarta badan lugu dilay ee Bilowgii Sanadkaan ka dhacay Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobalka Gedo iyo in la xaliyo Khilaafka Barre Hiiraale ka la Dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kenyaata ayaa horey ugu Eedeysay Beesha uu ka soo Jeedo Kornel Barre Hiiraale inay ku lug lahaayeen Weerarkii lugu qaaday Saldhig Ciidamada Militariga Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay kula haayeen Deegaanka Ceel-cadde 15-janaayo ee Sanadkaan 2016 balse waxaa eedeymahaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Mareexaan ee Gobalka Gedo oo ku Micneeyey in Dowlada Kenya ay ku daboolayso Gabood falo waa weyn oo ay ka geysatay Gobalka Gedo ee Galbeedka Dhulka Soomaaliya.
Kornel C/rashiida Macalin Gaas Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobalada Jubbooyinka islamarkaan ahaa Afhayeenkii Maamulkii Jubbooyinka Garabkii uu hogaaminayey Korneel Barre Hiiraale oo uwaramey Idaacada Simba ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Ujeedka guud ee Safarka Bare Hiiraale uu ku tagayo Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya waxa uu sheegay Barre Hiiraale ay uyeereen Madaxda Sare ee dalka Kenya iyo Mas’uuliyiinta Safaarada Mareykanka ee Dalkaasi islamarkaan ay kawada Xaajoonayaan Xaalada Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Siyaasiga Kornel Barre Adaan Shire (Bare Hiiraale) ayaa horey waxaa qaab siyaasadaysan looga Soo Masaafuriyey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxaana uuna in Mudo ah uu ku Sugnaa Magaalada Muqdisho.

