Rag Hubeysan oo Saakay Dil ka Geystay Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir

0

Rag hubeysan oo saakay degmada Dharkinley ku dilay  qof shacab ahaaa xili uu kasoo baxay Masaajid ku yaala degmadaas oo lagu magacaabo Cusmaan Binu Cafaan oo ku yaala xaafadda Mac-Macaanka.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay ninkaasi ku weerareen  afafka hore ee Masaajidka, wax yar uun kadib markii uu dibadda uga soo baxay Masaajidkaasi Cusmaan Binu Cafaan.

Kooxda dilka ka dambeysay ayaa goobta ka baxsatay waxaa durbadiiba goobta soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka ninka.

Arbacadii, ayay ahayd markii xaafadda Salaam ee isla Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir  lagu dilay Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee dhinaca ammaanka ee Maamulka Degmadaasi,  intaan la dilin kahorna ahaa Madaxa Kormeerka degmooyinka C/laahi Ibraahim Liibaan (Isbiimo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here