Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Qaadacday Guddiga Saxaafadda  Qaranka

0

Xili khamiistii aynu soo dhaafnay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ay ansiyeen Guddiga Saxaafadda  Qaran oo dhawaan uu horgeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa arintaas waxaa kasoo horjeystay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland.

Mudane Maxamuud Xasan Soocade, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in maamulka Puntland uu gabi ahaanba uu qaadacay Guddiga Saxaafadda  Qaranka.

Sababta ayuu ku sheegay Maxamuud Xasan Soocade  inay tahay Puntland oo xubintii Guddigaan ay u soo qoratay aanan loo magacaabin, balse booskaasi la geliyay xubin kale, sidaas darteed ay kasoo horjeedaan.

“Gabi ahaanba waan qaadacnay Guddigaasi, sababtoo ah qofbaan qoranay inaga xubintayadii dabadeedna waxaa dhacday qofkii aan qoranay qof aanan aheyn ayaa la geliyay Booskii, ayuu yiri Maxamuud Xasan Soocade, Wasiirka Warfaafinta Puntland “.

Dhanka kale Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore oo  kamid ahaa Xubnaha  Gudiga Saxaafadda Qaranka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu  iska casilay Xubinimadaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here