Xili khamiistii aynu soo dhaafnay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ay ansiyeen Guddiga Saxaafadda Qaran oo dhawaan uu horgeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa arintaas waxaa kasoo horjeystay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland.
Mudane Maxamuud Xasan Soocade, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in maamulka Puntland uu gabi ahaanba uu qaadacay Guddiga Saxaafadda Qaranka.
Sababta ayuu ku sheegay Maxamuud Xasan Soocade inay tahay Puntland oo xubintii Guddigaan ay u soo qoratay aanan loo magacaabin, balse booskaasi la geliyay xubin kale, sidaas darteed ay kasoo horjeedaan.
“Gabi ahaanba waan qaadacnay Guddigaasi, sababtoo ah qofbaan qoranay inaga xubintayadii dabadeedna waxaa dhacday qofkii aan qoranay qof aanan aheyn ayaa la geliyay Booskii, ayuu yiri Maxamuud Xasan Soocade, Wasiirka Warfaafinta Puntland “.
Dhanka kale Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore oo kamid ahaa Xubnaha Gudiga Saxaafadda Qaranka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay Xubinimadaas.

