Alvaro Morata oo Dib ugu Labanaya Kooxda Real Madrid

0

Weeraryahanka kooxda Juventus  Alvaro Morata ayaa la aaminsan in uu doonayo sii joogista Magaalada Madrid sida ay qortay Majalada AS oo Spain kasoo baxda.

Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa la tilmaamayaa in uu ku dhow yahay in uu heshiis hoose  la gaaro naadigiisa Hore ee Real Madrid madaama dhawaan uu ku biiray kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

23-jirkaan ayaa sidoo kale mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinaayay kooxaha Chelsea, Manchester United iyo  Arsenal laakin xaajada ayaa haatan u muuqata in uu dib ugu laabanayo kooxdiisa Hore ee Real Madrid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here