Safiirka KMG-ga ee dowlada Marekanka Mr” David Kaeuper oo Soo Gaari doona Magaalada Muqdisho

0

Safiirka Kmg-ga ee dowlada Marekanka u soo Magacawday soomaliya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu soo Gaaro Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka  soomaliya

Mr” David Kaeuper oo Horey usoo ahaa safiirkii dowlada Marekanka u fadhiyay dalka Congo ayaa dhawaan loosoo Magacaabay in uu Noqdo safiirka Kmg-ga ee Marekanka u fadhin doona Gudaha wadanka Soomaliya

Safriirka Kmg-ga ee dowlada Marekanka usoo Magacawday Gudaha soomaliya ayaa sheegay in mudo 20-sano ah kadib  in dib loo soo Celin doono xiriirkii awooda badnaa ee ka dhaxeeyay labada dal soomaliya iyo Marekanka isagoona sidoo kale Tilmaamay in dowlada Marekanka ay soomaliya ka caawin doonto dhinacyo badan sida amaanka

Sidoo kale Mr” David Kaeuper Safiirka KMG-ga ee dowlada Marekanka usoo Magacawday ayaa Cadeeyay in Dowlada Marekanka ay Mar walba diyaar u tahay in la tayeeyo siyaasada dalka soomaliya kadib Colaado iyo Burbur dalka ka dhacay sanadihii dambe

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here