Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku saameyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho xasan Maxamed xuseen Mungaab oo Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir hayay tan iyo 27-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2014-ka
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Haatan Howlo shaqo dalka kaga Maqan waxaa la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya wararka qaar ayaa sheegaya in uu safaro kale uu kusii Gaari doono wadamo kale
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Banaadir
Boorsaani waa xubin ka tirsan Urur Diimeedka Dam Jadiid, oo ah garab ka tirsan Al Islaax. Boorsaani waxaa la Tilmaamaa in uu wax ku soo bartay Jaamacadda Azhar ee Wadanka Masar.
Dhanka kale wasaarada arimaha Gudaha Dowlada soomaliya ayaa ku dhawaaqday wareegtada xilka loogu qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed xuseen Mungaab
Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha Gudaha Dowlada soomaliya yaxye cali Ibrahim ayaa saxaafada u aqriyay wareegtada xilka loogu qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo magaabista Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

