Qilaaf Soo kala dhaxgalay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Magaalada Beledweyne

0

Maamulka Magaalada Beledweyne  ee dowlada soomaliya ayaa ku eedeeyay  Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  in uu isku Koobay la Kulanka Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay Gaaray Magaalada Beledweyne

Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Maxamed Cusmaan qalaafow oo wareysi siiyay Idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka degmada Beledweyne loo diiday in ay  la Kulmaan  Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib Kaliyah uu la Kulmay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan Afrax

Maxamed Cusmaan qalaafow ayaa arintaas ku Tilmaamay mid aad loogu xumaado sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan afrax uu u dhaqmay sida hogaamiye kooxeed oo kale

Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne  Qalaafow ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan afrax in uusan dooneen Hormar uu Gaaro Gobolka Hiiraan mudo Haatan laga Joogo Bil uu safaro ku Tagaayay qeybo kamid ah dalka caalamka Taasina ay dhibaato  ku tahay Hormarka Gobolka Hiiraan

Hadalkaan Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Maxamed cusmaan Qalaafow ayaa imaanaya xili Gobolka Hiiraan uu shalay Gaaray Wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here