Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa sheegtay in caruur ka tegtay dalal ay Somaliya ku jirto ay intoobadan ka gudbeen Badda Mediterranean-ka ayna ka ambabaxeen dalka Liibiya si ay u gaaran dalka Talyaaniga oo ay uga sii gudbaan qaarada Yurub, islmarkaana ay yihiin kuwo aan dad waaweyn lasocon taasina ay keentay in ay u nuglaadaan in ay la kulmaan xadgudubyo.
UNICEF ayaa tilmaamtay in 7,600 oo caruur ah kuwaasoo galay safar Qatar badan oo qaar ka mid ah ay ku geeriyoodeen intii u dhaxaysay bilihii January iyo May ee sanadkaan ay intooda badan ahaayeen kuwo ka yar da’da qaangaarka sidoo kalana aysan lasocon dad waaweyn halka sanadkii hore caruur gaaraysa 4,566 ay sameeyeen safarkaan oo kale.
Afhayeen u hadashay Hay’adaan oo la yiraahdo Sarah Crowe ayaa wariyayaasha ugu sheegtay magaalada Geneva in caruurtaas intooda badan ay yihiin wilaal da’doodu u dhaxayso 15 illaa 17,waxa ay sheegtay sidoo kale in caruurta ay kasoo kala jeedaa dalalka Somaliya, Nigeria iyo Eritrea.
Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa shaacisay maalintii axadii ee usbuucaan in 210,000 oo muhaajiriin ah ay ka gudbeen badda Mediterranean sanadkaan.

