Qaramada Midoobe oo Sheegtay in Caruur Badan oo Soomali ay ku jirto ay ku Dhinteen Badda Mediterranean-ka 

0

 

Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa sheegtay in caruur  ka tegtay  dalal ay Somaliya ku jirto ay intoobadan ka gudbeen Badda Mediterranean-ka  ayna  ka ambabaxeen  dalka Liibiya  si ay u gaaran dalka Talyaaniga oo ay uga sii gudbaan qaarada Yurub, islmarkaana ay yihiin kuwo aan dad waaweyn lasocon taasina ay keentay in ay u nuglaadaan in ay la kulmaan xadgudubyo.

UNICEF ayaa tilmaamtay in 7,600 oo caruur ah kuwaasoo galay safar Qatar badan oo qaar ka mid ah ay ku geeriyoodeen intii u dhaxaysay bilihii January iyo  May ee sanadkaan  ay intooda badan ahaayeen kuwo ka yar da’da qaangaarka sidoo kalana aysan lasocon dad waaweyn halka sanadkii hore caruur gaaraysa 4,566 ay sameeyeen safarkaan oo kale.

Afhayeen u hadashay Hay’adaan oo la yiraahdo Sarah Crowe ayaa wariyayaasha ugu sheegtay magaalada Geneva in caruurtaas intooda badan ay yihiin wilaal da’doodu u dhaxayso 15 illaa 17,waxa ay sheegtay sidoo kale in caruurta ay kasoo kala jeedaa dalalka Somaliya, Nigeria iyo Eritrea.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa shaacisay maalintii axadii ee usbuucaan in 210,000 oo muhaajiriin ah ay ka gudbeen badda Mediterranean sanadkaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here