Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa waxa uu ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Cadaado ee Caasimada kmg-ga maamulka Galmudug taasi oo dhexmartay Ciidamo kawada tirsan kuwa Milatariga dowlada Soomaliya qeybta 21-aad oo salka ku haysay muran ka dhashay mushaar loo qeybinayay waxa uuna sheegay in shaqaaqadaasi Guddi ay u saareen.
Guddigaas oo iskugu jira Wasiiro, iyo Xildhibaano ayaa waxa ay soo baaridoonaan shaqaaqada maalmo ka horay ka dhacday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug.
Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin Cidkasta oo dooneysa in ay carqalad ka geysato Deegaanada Maamulka Galmudug
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir sidoo kale waxa uu sheegay in ay wali wadaan bixinta mushaaraadka islamarkaana ay ciidamadu ay si caadi ah ay u qaadanayaan lacagahooda.
Dhawaan ayey aheyd Markii Magaalada Cadaado uu Dagaal ka dhashay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawaca uu ku dhexmaray Ciidamada Milatriga Soomliya qeybta 21-aad ee ku sugan Magaalada Cadaado.

