Diyaarad Sidday Raashinka Dhacay  oo Lagu Qabtay Garoonka Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya ayaa qabtay Diyaarad sidday Raashinka dhacay  oo ku sii jeedday Degmada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.

Taliyaha hoggaanka ilaalina Canshuuraha Boliiska Dowlada Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bariise ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in Diyaarad sidday raashinka dhacay la qabtay xili ay kusii jeeday degmada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.

Generaal Bariise  C/laahi Xasan  Bariise ayaa intaa ku daray inay Raashinkan lahayd hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla Gudaha  magaalada Muqdisho ee caasimada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here