Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Juba-land oo La Dhaariyay+Sawirro

0

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada maamulka Juba-land ee  Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenada Maamulka Jubbaland ee cusub iyo Golaha Wasiirada maamulkaas.

Xarunta ay ka dhacday Munaasabada waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi C/raxmaan iyo ku-xigeenadiisa iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Juba-land.

Ugu horeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi C/raxmaan ayaa Labada Madaxweyne ku-xigeen iyo Golaha Wasiirada kula dardaarmay in ay la yimaadeen waxqabad iyo isbadal muuqda.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Kowaad ee Maamulka Juba-land Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay inay la imaanayaan shaqo adag oo ka duwan kuwii hore.

Madaxweyanaha Jubbaland  Axmed maxamed Islaam (axmed Madoobe) ayaa 15-kii bishii aynu soo dhaafnay waxa uu ku magacaabay wareegto kasoo baxday  Xafiiskiisa Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland, isagoo 18-kii isla bishaasi magacaabay wasiirada iyo kuxigeenada.

IMG_8927 IMG_8928 IMG_8930 IMG_8931 IMG_8932 IMG_8934 IMG_8935 IMG_8981

1465898879b1e39 1465898891bbcac 146589891383903 1465898910053f7 146589888910cdd 14658989062d9a5 14658989026c9a8 14658988864abb2 1465898898ced1a

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here