Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya ayaa qabtay Diyaarad sidday Raashinka dhacay oo ku sii jeedday Degmada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.
Taliyaha hoggaanka ilaalina Canshuuraha Boliiska Dowlada Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bariise ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in Diyaarad sidday raashinka dhacay la qabtay xili ay kusii jeeday degmada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.
Generaal Bariise C/laahi Xasan Bariise ayaa intaa ku daray inay Raashinkan lahayd hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla Gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada.

