Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada maamulka Juba-land ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenada Maamulka Jubbaland ee cusub iyo Golaha Wasiirada maamulkaas.
Xarunta ay ka dhacday Munaasabada waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi C/raxmaan iyo ku-xigeenadiisa iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Juba-land.
Ugu horeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi C/raxmaan ayaa Labada Madaxweyne ku-xigeen iyo Golaha Wasiirada kula dardaarmay in ay la yimaadeen waxqabad iyo isbadal muuqda.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Kowaad ee Maamulka Juba-land Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay inay la imaanayaan shaqo adag oo ka duwan kuwii hore.
Madaxweyanaha Jubbaland Axmed maxamed Islaam (axmed Madoobe) ayaa 15-kii bishii aynu soo dhaafnay waxa uu ku magacaabay wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland, isagoo 18-kii isla bishaasi magacaabay wasiirada iyo kuxigeenada.


















