Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaaray Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga afrika Amisom oo aad u fara badan ayaa gaaray  deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay weerar qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen Ciidamada xarakada Al-shabaab.

Dad kusoo safray inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Halgan ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in hakad uu galay saacado badan safarkooda Magaalada Beledweyne madaama ay wadda ay marayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia oo watay gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan iyadoo hawada ay ka ilaalinayeen Diyaarado dagaal.

Dowlada Ethopia ayaa sheegtay in Ciidamadaan loogu talagalay in ay kamid noqdaan Howlgalka Amisom oo ka kooban wadamada Ethopia,Kenya, Uganda iyo Brundi kuwaasi oo dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab.

Khamiistii aynu soo dhaafnay weerar qasaaro badan dhaliyay ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay deegaanka Halgan  ku lahaayeen ciidamada Ethopia dhinacyada amisom, Dowlada iyo Al-shabaab ayaa ka sheegtay guulo kala duwan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here