Ciidamada Ethopia iyo kuwa Eritrea oo ku Dagaalamay Xuduuda Labada Dal

0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Malatariga Labada wadan ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka dhacay  deegaanada ay ku muransan yihiin labada dhinac, ee ku yaala xuduuda ay wadaagan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Labadii maalin aynu soo dhaafnay Labada Ciidan ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku dhaqan Degmada Tserona ee Waqooyiga Itoobiya, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka waawayn, ayna arkayn ciidan wata hubka cul culus, oo ku sii jeeda xuduuda labada wadan ay wadagaa.

Deegaanada Akran, Kolo berendo iyo Kinin Kinito, oo ah kuwa lagu muransan yahay waxay Qaramada Midoobe sanado ka hor u xukmisay Dowlada Eritrea iskastoo Dowlada Itoobiya ay arintaas kasoo horjeesatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here