Madaxweynaha dalka Angola José Eduardo dos Santos, ayaa warqadihiisa aqoosiga ka Guddoomay safiirka cusub ee soomaliya u fadhin doona dalkaas Maxamed Barroow ahna Danjiraha Soomaaliya ee dalalka Koonfur Afrika.
Ugu horeyntii Madaxweynaha dalka Angola José Eduardo dos Santos ayaa safiirka ka guddoomay dhambaal salaam ah oo uu kaga siday Madaxweynaha Jahmhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud.
Kulan dhexmaray Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa loogu hadlay xaaladaha Amaanka iyo Hormarka dalka Soomaliya iyadoo Madaxweynaha dalka Angola José Eduardo dos Santos uu amaan u soo jeediyay Madaxda Soomalida sida ay wadanka Soomaliya ugu hogaamiyeen wadada Hormarka.
Dhanka kale Safiirka warqadaha aqoonsiga la guddoomay ee Mudane Jamaal Maxamed Barroow, Ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dalka Angola, isagoo sidoo kale Safiir ka ah illaa Shan Dal oo dhaca Koofurta Qaaradda Afrika.





