Xidhibaanada Baarlamaanka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga

0

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo maanta kulan ku yeeshtay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ansiyeen Hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga oo soo maray marxalado kala duwan.

Kulankii  Maanta Waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan jawaari wuxuuna Xildhibaanada uu xasuusiyay muhiimadda ay leedahay in ay wax ka badal ku sameeyaan dastuurka oo ay u codeeyaan, si loo badbaadiyo dsatuurka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa guda galay u codeynta Hindise sharciyeedka Maxkamada Dastuuriga oo soo maray marxalado kala duwan, waxaana codeyn gacan taag ah ku ogolaatay 148 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here