Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi,
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulanka looga hadlay sidii qaxootiga Soomalieed ee ku nool Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, gaar ahaan xerada Dhabaab waxloogu qaban lahaa, kahor inta aan dalkooda dib loogu soo celin.
Labada Mas’uul ayaa wada qaatay kulan saacado badan soconayay waxaana inta badan kulanka loogu hadlay arrimaha dadka qaxootiga soomaliyed ee ku jira Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi barri ee dalka Kenya.
Ugu horeyntii Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka ayaa sheegay la isku afgartay in qaxootiga loo sameeyo qorshe waxa ay u baahanyihiin loogu sameynayo, iyadoo aan si qasab ahna dalkooda loogu soo celin doonin, inta ka horeysa loo dhameystirayo adeegyada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.





