Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Hogaanka Madahada Wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug oo loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho ayna kamid yihiin Siyaasiyiin, waxgarad, iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamanka Dowlada Soomaliya iyo Galmudug.
Wasiir Maagawaa ayaa tilmaamay in Madahada wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug waxa loogu magac-daray ujeedkooda uu yahay sidii loo burburin lahaa Maamulka Galmudug uu madax ka yahay C/Kariin Xuseen Guulleed islamarkaana dadka hogaaminaya ay yihiin kuwa dano gaar ah leh.
“kuwa ku dhawaaqay Hogaanka Madahada Wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug waa kuwa doonaya in ay burburiyaan Maamulka Galmudug oo muddo 1-sano ah dhisan, Galmudug waxa ay ku guuleysatay dhismaha waxyaabo badan oo aan horey u jirin” ayuu yiri wasiir Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa idaacada u sheegay in dhawaan la bilaabi doono wada-hadalkii u dhaxeeyay Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

