Qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka ee ka Shaqeeyay Qaarada Afrika oo Gargaar Gaarsinaya Wadamo ay Soomaliya ku jirta

0

Qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Koofur Africa  ayaa waxa ay sheegeen in gargaar cuno ay u dirayaan inta lagu jiro bisha Ramadaan  wadamo badan oo ay ka mid yihiin Syria, Palestine, Yemen, Kenya,Somaliya iyo wadamo kale.

Hassan Choonara oo ah agaasime goboleedka Hay’adda muslimiinta Africa ayaa sheegay in kumaan xirooyin cuno ceeriin ah ay gaarsiiyeen kuwaasi oo kala ah Malawi, Mozambique, iyo  South Africa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ugu talagaleen in ay gaarsiiyaan cuno bisil oo ay helayaan dadka sooman taas oo isugu jirta afur iyo suxuur.

Agaasime Hassan ayaa waxa uu sheegay in ay rajaynayaan 3 million oo qof oo muslimiin ah ay quudin u sameeyaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Hay’ad kale oo lagu magacaabo Imdaad Foundation oo ka mid ah Hay’adaha ka diiwaan gashan dalka Koofur africa ayaa waxaa ay tilmaantay in cunooyin ay gaarsiindoonto dalal  dhaca Asia, Barriga dhexe iyo Africa oo ay Somalia ka mid tahay.

Hamza Badrudeen oo ka mid ah masuulyiinta Hay’adda ayaa xusay in ay gacanta ku hayaan dhawr mashruuc oo muhiim ah ayna ugu talagaleen  16 wadan oo ay saameeyeen dagaalo faqrinimo iyo masiibooyin dabiici ah.

Dhowaan ayay ahayd markii  Hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka turkiga aya sheegeen in barnaamijyo Afurin ah ay ka bilaabeen dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here