Madaxweyne Obama oo aan ka Qayb Galayn Aaska Maxamed Cali kalaay Sababta Maxay tahay?

0

Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay war kasoo baxay in Madaxweyne Obama uusan ka qayb geli doonin aaska Feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali kalaay oo la filayo in lagu qabto Magaalada Louisville, ee Gobolka Kentucky,oo ah halkii uu ku dhashay

Aqalka cad warka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mr Obama iyo xaaskiisa  Michelle Obama  ay uga baaqanayaan Munaasabadaas  aaska sababo la xiriira munaasabad ay kala qayb galayaan Gabadhooda oo ka qalin jabinaysa Dugsiga sarre sanadkaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay in uu ka qeyb gali doono aaska Maxamed Cali kalaay oo ah muwaadin kasoo jeeda dalka Mareykanka oo dhawaan Geeriyooday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here