Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Somaliya iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Dowlada Soomaliya ku lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ka tirsan Degmada Cadale.
Saacado badan ayaa la sheegay in uu dagaalka ka socday deegaanka Masaajid Cali Gaduud, labada Dhinac ayaa isku adeegsaday Hubka noocyadii kala duwan sida goob-joogayaal ay u sheegeen Warbaahinta.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadii Al-shabaab in deegaanka laga durjiyay islarmarkaana ujeedkooda ahaa sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ka tirsan Degmada Cadale.
Al-shabaab ayaa dhawaan lagala wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo mudooyin badan ay ka talinayeen.

