Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay war kasoo baxay in Madaxweyne Obama uusan ka qayb geli doonin aaska Feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali kalaay oo la filayo in lagu qabto Magaalada Louisville, ee Gobolka Kentucky,oo ah halkii uu ku dhashay
Aqalka cad warka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mr Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ay uga baaqanayaan Munaasabadaas aaska sababo la xiriira munaasabad ay kala qayb galayaan Gabadhooda oo ka qalin jabinaysa Dugsiga sarre sanadkaan.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay in uu ka qeyb gali doono aaska Maxamed Cali kalaay oo ah muwaadin kasoo jeeda dalka Mareykanka oo dhawaan Geeriyooday.

