Dowlada Soomaliya oo Xabsiga Dhigtay Shan Askari oo ka Tirsan Ciidanka AMISOM+Sawirro

0

Dowlada Sooomaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno Ciidanka AMISOM.

Askarta iyo dadkaan ayaa Ciidamada Amaanka Soomaaliya waxay ka qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee  aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka Amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa asna dhankiisa sheegay in Ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay  sharciga la horkeeni doono, wuxuuna Ciidanka Amaanka ku amaanay talaabadaan  ay qaadeen.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka war haynin Dowlada Soomaaliya.

13336246_990963204350292_1950451337_n.png 13348946_990963377683608_1510487905_n.png  13349153_990963061016973_975497650_n.png 13401016_990963454350267_1710669682_n.png

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here