Wariye ka Tirsan Warbaahinta Dowlada oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dilay Sagal Salaad Cismaan oo ka tirsaneyd Suxufiyiinta ka hawlgasha Radio Muqdisho, iyo Telefishinka Qaranka Dowlada Soomaliya.

Raga Hubeysan ayaa la sheegay in ay ku weerareen wariyaha  Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan, xilli ay markaas uun ka soo baxday jaamacad ay wax ka baraneysay.

Dableydii dilka u geysatay wariyaha ayaa goobta ka baxsaday waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi goobayay ragii dilka ka dambeeyay.

Wariye Sagal Salaad Cismaan, ayaa korineysay carruur yar yar oo la dhalatay, wixii ka dambeeyay markii ay hooyadood geeriyootay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here